Saturday, October 10, 2015

MAXAA U DOONEYSAA INAAD MAAMULKA KU GUULEYSATID
Waxaa hubaal ah inaad jeceshahay inaad darajo sare  gaartid, laakiin waa maxay waxa kugu xambaarayo inaad uhalgantid  ku guuleysiga jago sare , waxaa dadka ku xambaara halganka wey fara badan yihiin.
Waa seddex shay oo kala ah
1-      Maal
2-      Magac
3-      Awood
Qof kasta waxuu jecel yahay inuu xoolo badan helo , lakin xoolo doonista qofku kuma noqdo hogaamiye  guuleysta , waxaana suurobi karta in xooluhu hoosasiyaan ama lagu hodo, markaasna ka gaabiyo  u halgankii ku guuleysiga  maamuylka, waxaa kale oo qofka ku xambaari kara shaqadda in uu magac iyo maamuus  ku yeesho  bulshada uu ku dhax nool yahay, dad badan baa u halgama magac-doon,  waxana la arkaa in ay oggolaadaan in ay qabtaan jagooyin aanay u qalmayn, si ay magac u helaan, dadka noocaan ah dhakhso ayey udhacaan dibna uma soo kacaan.
Haddiise qofku u halgamaayo awood uu ku fulinaayo mabda”a  ama wax ka qabasho  dhibaato jirta ama hirgelin mashruuc iyo wax kasta  oo ujeeddo aadaminnimo  ku jirto dadkuna ka garaabi karo in uu  yahay arrin is-taahisha halgan.
Middaas ayaa ah, jidka guusha , taas aana loo baahan yahay  in maamuluhu toosani ujahaado,wa kastaba ha noqotee ujeeddada  leh: Maal, Magac ama Awood , waxaa waajib ah inaad naftaada taqaanid inta kartidaadu la”eg tahay inta adkeesigaagu yahay , marka la fiiriyo dhibaatooyinka kaaga gudban ujeeddada aad u socotid, adiga keli ah ayaana  ogaan kara  kartidaada  iyo tamartaada  hadba howsha ku hor taagan sidaad uga adkaan laheyd.