abdifitahafyare
Sunday, July 31, 2016
Waxad tahay qof qiimo leh.
Waxad tahay qof qiimo leh. Wax weyn baa kugu jira. Dadku inay arki
waayaan qiimahaagu kama dhigna in aanad qiimo lahayn. Sida caadigaa
dadku waxay arkaan waxa ay rabaan oo keliya. Laga yaabaa in aad xaaska
kala tagteen, shaqadii lagaa eryay, dadka kuugu dhaw ku saluugsanyahay,
waalidkaagu aanu muhiim kuu arkayn amma dadku aanu ku maamuusin; taas ha
u qaadan in aanad qiimo lahayn, iyagaa awoodi wayay in ay arkaan
qiimahaaga. Weligaa qiyaastaada haku koobin sida dadku kuu arko.
Cidkaaga aqoon badan naftaadu ma jirto. Qof muhiim ah oo qiimo leh baad
tahay. Haddaad meel ka liidato meel kalaan lagugu gaadhayn. Kori
qaybtaa an lagugu gaadhayn, ku dedaal dhisidda naftaada, marwalba is
hordhig kartidaada oo taas si hagar la'aan ah ugu hawlgal, maxbuus ha u
noqon sida laguu arko. Daba orod riyooyinkaaga, aammusnaan ku shaqee,
inta dadka caadiga ahi dedaalo saddexdeed dedaal, sii wad! Waxa hubaal
ah in marka ay midho dhalaan dedaalladaadu lagugu tashan doono. Aar
goosiga ugu weyn ee ad samayn kartaa waa in aad gaadho guul aan la
filayn oo ka fajicisa kuwaa laga indha saabay qiimagaagu. Halla yaabin
dadka dedaala intay rafaadayaan cidna hoos uma eegto. Marka ay libinta
gaadhaanna waa la xigtaystaa."
Keligaa ayaa arka oo maqla waxa aad rabto
markaste oo ad toosto dhegayso amma akhri codad amma qoraallo ku dhiirigeliya
Markaste oo aad dalbato meel sare oo aad guul u xadhka xidhato, dayrarka
ugu waawayn ee ku qabanayaa waa isla qayb adiga kaa mid ah. adiga
laftaada ayaa caqabad isku noqonaya. Cod kugu jira ayaa ku odhanaya;
Caadi iska dhig, waxaad rabto cidna ma gaadhin weli, qoys dhaqaale
haysta kama soo jeeddid, dad kaaga aqoon badan baa jira, waa lagaa
magac wayn yahay, waa lagula yaabi, aabbo amma hooyo ma lihid, Hortaa
jiraba wuu ku daalay, qaykaaga wakaa iska joogee maxaa adiga ku dhibaya?
Iwm. Si aanad adigu caqabad isugu noqon waa in aad barataa codkaa
aamusiintiisa. Waa in aanad u ogolaan codkaasi in uu maamulo go'aan
qaadashadaada. Wuu awoodaystaa codkaaasi wuuna awood gabaa waxayna ku
xidhantahay hadba sida aad uga falceliso. Maahmaan Afrikaan ah baa ahayd
'Haddii aanu cadaw kugu dhex jirin, cadawa dibeddu waxba kaama qaadi
karo'. Dadka badankiisu caqabaddan ma dhaafi karaan. Codkaasi ayaana ka
hor joogsada wax kaste. Waayo ma garanayaan sida loola dagaallo codkaa.
Si aad uga takhalusto codkaa samee arrimahan;
1. Marka aad hurdada ka toosto maskaxdaadu waxay ku shaqaynaysa xawaare aad u sarreeya oo cabbirkiisu yahay 10.5 WC. Waana marka ay ugu wax qaadasho fiicantahay (reveptive). Markaa waxa aad maqasho 20ka midhidh ee ugu horreeya maalintaada ayaa maamulaya maskaxdaada maalintaas oo dhan. Sidaa darteed markaste oo ad toosto dhegayso amma akhri codad amma qoraallo ku dhiirigeliya oo kugu qanciya suurtagal ahaanshaha riyooyinkaaga.
2. Markasta oo ad seexanayso amma markaste oo ad soo toosto layli oo isku sheeg erayadan: waan qaban karaa, waan gaadhi karaa, waana suuro gal. Waxay kaa caawinayaan inuu awood gabo codkaa gudahaaga ee ku shiki geliyaa.
3. Raac oo la saaxiib dad aan quusta aqoon oo aamminsan suurtagal ahaanshaha riyooyinkooga. Adna waxay kuu sheegayaan in aad gaadhi karto taada. Codkaa ku shiki gelinayaana wuu qudh bixi.
4. Ku dhejiso waraaq ay ku qoranyihiin 'Waan gaadhayaa, waaa suurogal iyo waan helayaa' sariirtaada madaxeega, gaadhigaaga dhaashcobarkiisa, iyo miiskaaga wax akhriska. Waxay suurogelin in ay fariimahani galaan maskaxda qaybteeda danbe (subconcious mind) haddii ay halkaas gaadhaanna waxay qaybtaasi ku mashquuli doontaa keliya sidii ay u rumoobi lahaayeen. Codkaa ku joogin lahaana wuu awood gabi.
5. Mar kaste oo uu codkaasi kuu sheego suurtogal la'aan, la dood. Isla hadal oo adna tiri sababaha ay suurogal u yihiin riyooyinkaagu. Marwalba adigaa badin oo codkaasi mijo buuran kuma taagna.
Layli talooyinkann si joogto ah. Haddii ad joojiso waxa markaaba dib u soo awoodaysanaya codkaa kugu qancinaya inaad iska joogto. Jihaadka ka weyni ma jiro ka aad naftaada la galayso. Nebega -scw- ayaa kasoo noqday jihaad gaalada lala galay, Markii ay ka soo laabteen jihaadkii ayuu saaxiibbadii ku yidhi 'haddaan jihaadkii weynaa galaynaa!'. Markay waydiiyeen saaxiibbadii jihaadka ka weyn is seef la isla boobo wuxu ugu jawaabay; Jihaadka nafta lala galayo.
Naftaa yar ee kugu jirta haddii ad soo dhaafto wax kale ma adka.

Sideed ula saaxiibtaa dadka?
Sideed ula saaxiibtaa dadka? Arrintan ka istaagi mayno xagga cilmiga
bulshada (Sociology). Aan se ka yar istaagno xagga kasmo-nafeedka
(Psychology); Waxa jirta qaacido muhiim ah marka laga hadlayo is raaca
dadka iyo sida ay u saaxiibaan oo tiraahda 'You attract what you
radiate' micnaheeduna yahay 'Waxa aad soo jiidataa waxa aad gudbiso
dhiggooda'. Hadba dareennada gudahaaga jira kuwa dhiggooda ah baad soo
jiidataa. Taas micnaheedu waxa weeyi, haddii ay gudahaaga ka buuxaan dareenno
taban, sida Xumaan, suququl, bisaarad, cuqdad, xaasidnimo, rajo xumo,
quus Iwm. Iyaga ayaad gudbisaa. Waxaanad soo jiidataa dad dareennadaa
kula qaba oo iyaguna intaa sida. Haddii waxa gudahaaga jiraa yahay
wanaag, bishaarooyin, rajo, xamaasad, dedaal, hal-adayg Iwm, iyaga ayaad
u gudbisaa dadka kedibna waxa aad soo jiidataa dadka dareennadaa
dhiggooda haya. Markaaba waxa ku hareera buuxsamaya dad aad isu quluub
tihiin oo isasoo dareen jiidateen. Tani waa sababta ay dadka calaacalka
jeceli isku raadsadaan. Waa sababta dadka quustay ay iskula saaxiibaan.
Waa sababta ay dadka dedaalaa iskaga ag dhaw yihiin. Waa sababta aad u
raadsatid dadka gaadhay waxyaabaha ad jeceshahay. Waa sababta dadka xuni
dad xun uun ula rafiiqo ee dadka wanaagsanina dad wanaagsan uga ag
dhawyahay. Assal ahaan waxa iska cad in ay fahanka qaaciidadani ku daba
faylaysa Suuradda 24aad ee Qur'aanka An-Nuur, Aayaddeeda 26aad, Marka uu
Eebbe -swt- ka hadlayo isku aad ka dadk;
الْخَبِيثَاتُ لِلْخَبِيثِينَ وَالْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَاتِ ۖوَالطَّيِّبَاتُ لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Haddaba haddii aad rabto dad wanaagsan, adigu horta wanaagsanow. Gudahaaga wanaagga geli, dareennadaas ayaad u gudbin dadka, ugu danbayn'na waad soo jiidan dadka wanaagsan. Marwalbana ogow dadka kaa ag dhaw waa muraayad ka turjumaysa qofka aad tahay.

Saturday, July 30, 2016

Saturday, October 10, 2015
MAXAA U DOONEYSAA
INAAD MAAMULKA KU GUULEYSATID
Waxaa
hubaal ah inaad jeceshahay inaad darajo sare
gaartid, laakiin waa maxay waxa kugu xambaarayo inaad uhalgantid ku guuleysiga jago sare , waxaa dadka ku
xambaara halganka wey fara badan yihiin.
Waa
seddex shay oo kala ah
1-
Maal
2-
Magac
3-
Awood
Qof
kasta waxuu jecel yahay inuu xoolo badan helo , lakin xoolo doonista qofku kuma
noqdo hogaamiye guuleysta , waxaana
suurobi karta in xooluhu hoosasiyaan ama lagu hodo, markaasna ka gaabiyo u halgankii ku guuleysiga maamuylka, waxaa kale oo qofka ku xambaari
kara shaqadda in uu magac iyo maamuus ku
yeesho bulshada uu ku dhax nool yahay,
dad badan baa u halgama magac-doon,
waxana la arkaa in ay oggolaadaan in ay qabtaan jagooyin aanay u
qalmayn, si ay magac u helaan, dadka noocaan ah dhakhso ayey udhacaan dibna uma
soo kacaan.
Haddiise
qofku u halgamaayo awood uu ku fulinaayo mabda”a ama wax ka qabasho dhibaato jirta ama hirgelin mashruuc iyo wax
kasta oo ujeeddo aadaminnimo ku jirto dadkuna ka garaabi karo in uu yahay arrin is-taahisha halgan.
Middaas
ayaa ah, jidka guusha , taas aana loo baahan yahay in maamuluhu toosani ujahaado,wa kastaba ha
noqotee ujeeddada leh: Maal, Magac ama
Awood , waxaa waajib ah inaad naftaada taqaanid inta kartidaadu la”eg tahay
inta adkeesigaagu yahay , marka la fiiriyo dhibaatooyinka kaaga gudban
ujeeddada aad u socotid, adiga keli ah ayaana
ogaan kara kartidaada iyo tamartaada hadba howsha ku hor taagan sidaad uga adkaan
laheyd.
Friday, September 25, 2015
Subscribe to:
Comments (Atom)