Sunday, July 31, 2016

Sideed ula saaxiibtaa dadka?

Sideed ula saaxiibtaa dadka? Arrintan ka istaagi mayno xagga cilmiga bulshada (Sociology). Aan se ka yar istaagno xagga kasmo-nafeedka (Psychology); Waxa jirta qaacido muhiim ah marka laga hadlayo is raaca dadka iyo sida ay u saaxiibaan oo tiraahda 'You attract what you radiate' micnaheeduna yahay 'Waxa aad soo jiidataa waxa aad gudbiso dhiggooda'. Hadba dareennada gudahaaga jira kuwa dhiggooda ah baad soo jiidataa. Taas micnaheedu waxa weeyi, haddii ay gudahaaga ka buuxaan dareenno taban, sida Xumaan, suququl, bisaarad, cuqdad, xaasidnimo, rajo xumo, quus Iwm. Iyaga ayaad gudbisaa. Waxaanad soo jiidataa dad dareennadaa kula qaba oo iyaguna intaa sida. Haddii waxa gudahaaga jiraa yahay wanaag, bishaarooyin, rajo, xamaasad, dedaal, hal-adayg Iwm, iyaga ayaad u gudbisaa dadka kedibna waxa aad soo jiidataa dadka dareennadaa dhiggooda haya. Markaaba waxa ku hareera buuxsamaya dad aad isu quluub tihiin oo isasoo dareen jiidateen. Tani waa sababta ay dadka calaacalka jeceli isku raadsadaan. Waa sababta dadka quustay ay iskula saaxiibaan. Waa sababta ay dadka dedaalaa iskaga ag dhaw yihiin. Waa sababta aad u raadsatid dadka gaadhay waxyaabaha ad jeceshahay. Waa sababta dadka xuni dad xun uun ula rafiiqo ee dadka wanaagsanina dad wanaagsan uga ag dhawyahay. Assal ahaan waxa iska cad in ay fahanka qaaciidadani ku daba faylaysa Suuradda 24aad ee Qur'aanka An-Nuur, Aayaddeeda 26aad, Marka uu Eebbe -swt- ka hadlayo isku aad ka dadk;
الْخَبِيثَاتُ لِلْخَبِيثِينَ وَالْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَاتِ ۖوَالطَّيِّبَاتُ لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Haddaba haddii aad rabto dad wanaagsan, adigu horta wanaagsanow. Gudahaaga wanaagga geli, dareennadaas ayaad u gudbin dadka, ugu danbayn'na waad soo jiidan dadka wanaagsan. Marwalbana ogow dadka kaa ag dhaw waa muraayad ka turjumaysa qofka aad tahay.

No comments:

Post a Comment