Sunday, July 31, 2016
Waxad tahay qof qiimo leh.
Waxad tahay qof qiimo leh. Wax weyn baa kugu jira. Dadku inay arki
waayaan qiimahaagu kama dhigna in aanad qiimo lahayn. Sida caadigaa
dadku waxay arkaan waxa ay rabaan oo keliya. Laga yaabaa in aad xaaska
kala tagteen, shaqadii lagaa eryay, dadka kuugu dhaw ku saluugsanyahay,
waalidkaagu aanu muhiim kuu arkayn amma dadku aanu ku maamuusin; taas ha
u qaadan in aanad qiimo lahayn, iyagaa awoodi wayay in ay arkaan
qiimahaaga. Weligaa qiyaastaada haku koobin sida dadku kuu arko.
Cidkaaga aqoon badan naftaadu ma jirto. Qof muhiim ah oo qiimo leh baad
tahay. Haddaad meel ka liidato meel kalaan lagugu gaadhayn. Kori
qaybtaa an lagugu gaadhayn, ku dedaal dhisidda naftaada, marwalba is
hordhig kartidaada oo taas si hagar la'aan ah ugu hawlgal, maxbuus ha u
noqon sida laguu arko. Daba orod riyooyinkaaga, aammusnaan ku shaqee,
inta dadka caadiga ahi dedaalo saddexdeed dedaal, sii wad! Waxa hubaal
ah in marka ay midho dhalaan dedaalladaadu lagugu tashan doono. Aar
goosiga ugu weyn ee ad samayn kartaa waa in aad gaadho guul aan la
filayn oo ka fajicisa kuwaa laga indha saabay qiimagaagu. Halla yaabin
dadka dedaala intay rafaadayaan cidna hoos uma eegto. Marka ay libinta
gaadhaanna waa la xigtaystaa."
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment