Markaste oo aad dalbato meel sare oo aad guul u xadhka xidhato, dayrarka
ugu waawayn ee ku qabanayaa waa isla qayb adiga kaa mid ah. adiga
laftaada ayaa caqabad isku noqonaya. Cod kugu jira ayaa ku odhanaya;
Caadi iska dhig, waxaad rabto cidna ma gaadhin weli, qoys dhaqaale
haysta kama soo jeeddid, dad kaaga aqoon badan baa jira, waa lagaa
magac wayn yahay, waa lagula yaabi, aabbo amma hooyo ma lihid, Hortaa
jiraba wuu ku daalay, qaykaaga wakaa iska joogee maxaa adiga ku dhibaya?
Iwm. Si aanad adigu caqabad isugu noqon waa in aad barataa codkaa
aamusiintiisa. Waa in aanad u ogolaan codkaasi in uu maamulo go'aan
qaadashadaada. Wuu awoodaystaa codkaaasi wuuna awood gabaa waxayna ku
xidhantahay hadba sida aad uga falceliso. Maahmaan Afrikaan ah baa ahayd
'Haddii aanu cadaw kugu dhex jirin, cadawa dibeddu waxba kaama qaadi
karo'. Dadka badankiisu caqabaddan ma dhaafi karaan. Codkaasi ayaana ka
hor joogsada wax kaste. Waayo ma garanayaan sida loola dagaallo codkaa.
Si aad uga takhalusto codkaa samee arrimahan;
1. Marka aad hurdada
ka toosto maskaxdaadu waxay ku shaqaynaysa xawaare aad u sarreeya oo
cabbirkiisu yahay 10.5 WC. Waana marka ay ugu wax qaadasho fiicantahay
(reveptive). Markaa waxa aad maqasho 20ka midhidh ee ugu horreeya
maalintaada ayaa maamulaya maskaxdaada maalintaas oo dhan. Sidaa darteed
markaste oo ad toosto dhegayso amma akhri codad amma qoraallo ku
dhiirigeliya oo kugu qanciya suurtagal ahaanshaha riyooyinkaaga.
2.
Markasta oo ad seexanayso amma markaste oo ad soo toosto layli oo isku
sheeg erayadan: waan qaban karaa, waan gaadhi karaa, waana suuro gal.
Waxay kaa caawinayaan inuu awood gabo codkaa gudahaaga ee ku shiki
geliyaa.
3. Raac oo la saaxiib dad aan quusta aqoon oo aamminsan
suurtagal ahaanshaha riyooyinkooga. Adna waxay kuu sheegayaan in aad
gaadhi karto taada. Codkaa ku shiki gelinayaana wuu qudh bixi.
4.
Ku dhejiso waraaq ay ku qoranyihiin 'Waan gaadhayaa, waaa suurogal iyo
waan helayaa' sariirtaada madaxeega, gaadhigaaga dhaashcobarkiisa, iyo
miiskaaga wax akhriska. Waxay suurogelin in ay fariimahani galaan
maskaxda qaybteeda danbe (subconcious mind) haddii ay halkaas gaadhaanna
waxay qaybtaasi ku mashquuli doontaa keliya sidii ay u rumoobi
lahaayeen. Codkaa ku joogin lahaana wuu awood gabi.
5. Mar kaste oo
uu codkaasi kuu sheego suurtogal la'aan, la dood. Isla hadal oo adna
tiri sababaha ay suurogal u yihiin riyooyinkaagu. Marwalba adigaa badin
oo codkaasi mijo buuran kuma taagna.
Layli talooyinkann si joogto
ah. Haddii ad joojiso waxa markaaba dib u soo awoodaysanaya codkaa kugu
qancinaya inaad iska joogto. Jihaadka ka weyni ma jiro ka aad naftaada
la galayso. Nebega -scw- ayaa kasoo noqday jihaad gaalada lala galay,
Markii ay ka soo laabteen jihaadkii ayuu saaxiibbadii ku yidhi 'haddaan
jihaadkii weynaa galaynaa!'. Markay waydiiyeen saaxiibbadii jihaadka ka
weyn is seef la isla boobo wuxu ugu jawaabay; Jihaadka nafta lala
galayo.
Naftaa yar ee kugu jirta haddii ad soo dhaafto wax kale ma adka.
No comments:
Post a Comment