Sideed ula saaxiibtaa dadka? Arrintan ka istaagi mayno xagga cilmiga
bulshada (Sociology). Aan se ka yar istaagno xagga kasmo-nafeedka
(Psychology); Waxa jirta qaacido muhiim ah marka laga hadlayo is raaca
dadka iyo sida ay u saaxiibaan oo tiraahda 'You attract what you
radiate' micnaheeduna yahay 'Waxa aad soo jiidataa waxa aad gudbiso
dhiggooda'. Hadba dareennada gudahaaga jira kuwa dhiggooda ah baad soo
jiidataa. Taas micnaheedu waxa weeyi, haddii ay gudahaaga ka buuxaan dareenno
taban, sida Xumaan, suququl, bisaarad, cuqdad, xaasidnimo, rajo xumo,
quus Iwm. Iyaga ayaad gudbisaa. Waxaanad soo jiidataa dad dareennadaa
kula qaba oo iyaguna intaa sida. Haddii waxa gudahaaga jiraa yahay
wanaag, bishaarooyin, rajo, xamaasad, dedaal, hal-adayg Iwm, iyaga ayaad
u gudbisaa dadka kedibna waxa aad soo jiidataa dadka dareennadaa
dhiggooda haya. Markaaba waxa ku hareera buuxsamaya dad aad isu quluub
tihiin oo isasoo dareen jiidateen. Tani waa sababta ay dadka calaacalka
jeceli isku raadsadaan. Waa sababta dadka quustay ay iskula saaxiibaan.
Waa sababta ay dadka dedaalaa iskaga ag dhaw yihiin. Waa sababta aad u
raadsatid dadka gaadhay waxyaabaha ad jeceshahay. Waa sababta dadka xuni
dad xun uun ula rafiiqo ee dadka wanaagsanina dad wanaagsan uga ag
dhawyahay. Assal ahaan waxa iska cad in ay fahanka qaaciidadani ku daba
faylaysa Suuradda 24aad ee Qur'aanka An-Nuur, Aayaddeeda 26aad, Marka uu
Eebbe -swt- ka hadlayo isku aad ka dadk;
الْخَبِيثَاتُ
لِلْخَبِيثِينَ وَالْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَاتِ ۖوَالطَّيِّبَاتُ
لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ مُبَرَّءُونَ
مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Haddaba
haddii aad rabto dad wanaagsan, adigu horta wanaagsanow. Gudahaaga
wanaagga geli, dareennadaas ayaad u gudbin dadka, ugu danbayn'na waad
soo jiidan dadka wanaagsan. Marwalbana ogow dadka kaa ag dhaw waa
muraayad ka turjumaysa qofka aad tahay.
No comments:
Post a Comment