Sunday, July 31, 2016

Keligaa ayaa arka oo maqla waxa aad rabto

Keligaa ayaa arka oo maqla waxa aad rabto. Cid kale kulama arkayso! Dhabayntooduna adiga waa shaqadaada. Dad-kaashina waad u baahantahay. Anigu adiga kuma garanayo, laakiin arrintan ayaan garanayaa: Dadka aad taageero ka naawilayso dhabarkay kuu jeedin, kuwa aad ku tashatay baa garabkaaga bannayn, kii ku yidhi anigaa tan kaa giijin baa kugu badhyo furi, kii aad ugu jeclayd baad iska ag waayi, kii kuugu jeclaa baa kula garan waayi, kii wax kuu ballan qaaday baa is rogi, ku wax kula qaban kara ayaa ku dhayalsan, markaas ayaad moodi in aan waxba la isu ahayn! Marka ay sidaas tahay ha is dhiibin. Kor u hay riyadaada. Haka tanaasulin waxaa ad rabtay, haddii dadku kula garan waayay kama dhigna in aanay suuro galayn. Iyaga ayay sidaas la tahay! kuwa kale oo aanad filayn amma garanayn ayaa laguusoo diri. Imisa jeer ayaa dad aanad filayn amma garanayn si weyn kuu taageereen? Laga yaabe in aad fariintan kasoo dhex akhriyayso cisbitaal, jeel, meel aad kuu ciishoonayso amma jawi aad u walaac badan, isku sheeg waa mararkan oo kale marka uu iimaanku shaqeeyo. Kuma sii jiraysid sidan. Umana iman dhibuhu inay kula joogaan, wayse kusoo yar booqdeen. Adkaysiga wehesho, iimaanku ha shaqeeyo, Allena -swt- si dhaw ula sheekayso. Isaga haddii ad haysato cidna uma baahnid.

No comments:

Post a Comment